Dowladda Federaalka Oo Faransiiska Uga Tacsiyeysay Ciidamadii Uga Dhintay Maali.

Wednesday November 27, 2019 - 10:07:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Faransiiska Uga Tacsiyeysay Ciidamadii Uga Dhintay Maali.

    Xilli wadanka Maali ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda Faransiiska oo ku guda jirey fulinta howlgal ka dhan ah Mujaahidiinta ayaa dowlada federaalka waxay kamid noqotay dowladihii ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey dhacdadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli wadanka Maali ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda Faransiiska oo ku guda jirey fulinta howlgal ka dhan ah Mujaahidiinta ayaa dowlada federaalka waxay kamid noqotay dowladihii ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey dhacdadaas.



War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in tacsi tiiraanyo leh ay u dirayaan shacabka iyo dowladda Faransiiska ee ciidamadooda ku waayay wadanka Maali.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa lagu sheegay in Faransiiska ay la qeybsanayaan murugada, islamarkaana uga tacsiyeynayaan askarta ay ku waayeel wadanka Maali.

Maalintii shalay ayay ahayd, markii Madaxtooyada Faransiiska war kasoo baxay lagu xaqiijiyay in labo diyaaradood oo hellecopter ay isku dheceen, xilli ay ku guda jireen fulinta howlgal ka dhan ah Jihaadiyiinta Maali, halkaasna ay ku dhinteen 13 askari oo dhamaantooda saraakiil ahaa.



"Madaxweynuhu wuxuu si murugo xeeldheer leh u iclaaminayaa in wadanka Maali lagu dilay 13 askari Faransiis ah galabkii Axadda oo taariikhdu ku beegneed 25 Novemver kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah Jihaadiyiintaā€¯ ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Faransiiska Emmanual Macron.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items