Dhulgariir ay ku dhinteen 20 qof oo ka dhacay wadanka Albania.

Wednesday November 27, 2019 - 10:42:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulgariir ay ku dhinteen 20 qof oo ka dhacay wadanka Albania.

    Tobanaan qof ayaa dhintay boqolaal kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dhul gariir xooggan ku dhuftay wadanka Albaaniya oo dhaca Koonfur Bari qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa dhintay boqolaal kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dhul gariir xooggan ku dhuftay wadanka Albaaniya oo dhaca Koonfur Bari qaaradda Yurub.


Dhulgariirka oo cabirkiisu ahaa 6.4 ayaa dhacay shalay aroortii, saraakiisha caafimaadka wadanka Albania ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay dhinteen 150 kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda ah Tirana waxaa laga dareemayaa burbur xooggan waxaa jarmay xargaha Korontada, degmada Tomaani oo dhanka waqooyi uga beegan magaalada Tirana ayaa gebi ahaanteedba ku burburtay dhulgariirka.


Wasaaradda Difaaca wadanka Albania waxay sheegtay in meydadka 20 qof ay kasoo saareen burburka hoostiisa, qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la socday gaari nuuca raaxada ah oo dhulku la go'ay xilli uu ku socdaalayay magaalada Tirana.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items