BULSHO ISLAAMI AH IYO DAD XADAARI AH.

Wednesday November 27, 2019 - 12:14:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BULSHO ISLAAMI AH IYO DAD XADAARI AH.

    Bismillah. Markasta oo la qiimaynayo dhaqan bulsheed ama dhaqaale waddan muslim ah waa in la raacaa toobiyaha cad ee kitaabka iyo sunnadu inoo jideeyeen, waxyaabaha kale ee xirfadda qofeed ama kartida bulsho ku dhisan waa in loo maraa qaabka sunanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillah. Markasta oo la qiimaynayo dhaqan bulsheed ama dhaqaale waddan muslim ah waa in la raacaa toobiyaha cad ee kitaabka iyo sunnadu inoo jideeyeen, waxyaabaha kale ee xirfadda qofeed ama kartida bulsho ku dhisan waa in loo maraa qaabka sunanta kowniga ah ee rabbi dunida u dhigey.



Tusaale ahaan: haddii 3×3 ay jawaabteedu sagaal tahay macno malaha qofka sheegayaa cidda uu yahay, haddii gaal ku dhawaaqo jawaabtu ma nijaasoobeyso oo looga tegi maayo haddii muslim ku dhawaaqona waa kheyr. Taasi waa jawaab maaddiyeed. Haddaba, qofka soomaaliyeed ee islaamnimo in laysku xukumo rabin waa qof uu ku dhacay cudurka maleeriyo ama duumo, cudurkaasi dhadhamada ayuu qofka kala dagaalamaa, heer cuntada uu cunayaa ay ula mid noqoto dhagxaan la jilciyey. Wanaag kasta oo uu islaamku leeyahay qofkaas uma dhadhanto sabatoo ah jirro ayaa haysa oo dawo ayuu u baahan yahay. Ineynu shaqeysanno oo adduunyada qaab xirfadeysan ula macaamilno baa na ilaga rabaa.



Waxa jirey xadiis nebi muxamed ka sugnaadey oo nin beeraley ah uu ku lahaa "idinkaa iiga aqoon badan hawlihiinna adduunyo” taas oo uu sheegayay nebigu SCW habka beerashada. Sideedaba waxbarashadu haddii aan ficil lagu darin waxa ay qarka u saaran tahay iney keento fashal, qofkana haddii aad waxbarto oo aanu ku camal falin waxba ma uu baran. Islaamnimada oo ah nimcada ugu weyn ee rabbi dunida keenay waa wax afka lagaga dhawaaqo qalbiga laga aamino xubnahana looga dhaqmo.

Intaas haddii aynu kaga nimaadno ararta aynu toos u gudagalno mawduuceenna. Alshabaab iyo dimuquraadiyiinta somaaliya: Hoggaamiyeyaasha iyo odey beeleedyada shabaabku waxay aaminsan yihiin fikir diimeed halka hogaamiyeyaasha iyo odey dhaqameedyada dimuquraadiyiintu ay kala aamminsan yihiin xeer jajab iyo calmaaniyad. Qiso cajiib ah aan soo qaato oo la sheego inay dhacday xilligii dawladnimada soomaaliya ugu horreysay: Xildhibaan soomaaliyeed ayaa wiilkiisii oo askari laba xidigle ahaa u direy xaruntii doorashada si uu ugu musuqmaasaqo ama doorashada uu aabihii ugu shubo.

Xildhibaanka oo aanay dadka goobtaasi doonayn darteed wiilkii middi ayaa la galiyey bartiina wuu ku nafbaxay. Kolkii lagu dhawaaqayay natiijada ayaa loo tagey xildhibaankii, kolkaasaa ninkii xogta sidey uu u sheegay inuu u hayo laba war. Mid naxdin leh iyo mid farxad leh. Xildhibaankii waxa uu codsadey ka farxadda leh in loo soo horreysiiyo, isjiidjiid dheer kadib kii farxadda lahaa baa loo sheegay oo ah in uu ku guuleystey kursigii xildhibaannimo laakiin warka murugada leh uu yahay in wiilkiisii lagu diley goobtii. Xildhibaankii wuxuu yidhi ereyo illaa imika cidda maqashaa ay ka anfariirayso oo ah "Sida doorasho loo helo ayaa shaki iiga jirey maahee sida wiil loo dhalo waan aqaannaa iska aasa mar haddaan guuleystay”. Haddaba akhristow dadka heerkaas kursigu la marayo miyaa lagu aamini karaa ummad muslim ah??? Qiso kale oo iyadna cajiib ah baa dhacdey rabadaantii 2011,

qisadaas waxa tebinayay aqoonyahan mar laga wareystay raadiyaha islaamiga ah ee alfurqaan "Iyada oo lagu jiro bishii soonka ayaa ciidanka dawladda federaalku qayileen kadib kooxo suufiyo ah oo deegaankaas ku xoog badnaa ayaa usoo hub urursadey kolkii la is rasaaseeyay ayaa nimankii labadoodaba xukumi jirey ee tigreega ahaa u garqaadeen, haddii la ogaadey wixii la isku haystey oo ahayd maxay u qayilayaan bil rabadaan askarta federaalku waxa hadley askari tigree ah oo yidhi "Labadiina kooxood mid islaam haysataa kuma jirto ee islaamku waa wiilashaa aynu la dagaalamayno ee alshabaab, mid danboo idinka mid ahina qashar ma ridi karo. Halkii baana lagu kala dhaqaaqey...Akhristow bal fakir oo malee jawaabtaas???! Bal ugu danbayn aynu usoo noqonno xalka dirirta qabiilooyinka ee cimilada iyo juquraafi ahaan Soomaalida 70% waa xoolo dhaqato inta kasoo hadheyna waa kalluumaysato aan badneyn iyo beeraley.

Sababtaas baa keentey in dhaqanka geelleydu uu saamayn badan ku yeesho siyaasadda soomaaliya, haddaba waxa isweydiin mudan muxuu salka ku hayaa dhibka qabiilooyinka soomaalidu? Inta u badan dagaalada soomaalidu waxa ay ka dhacaan daaq iyo ceelal biyood taas oo lakala riixan jirey intaas oo gabeyna la isaga tiriyey. Dhulka soomaaliya marka laga reebo labada webi waa oomane ceelasha lakala riixdo, haddaba mushkiladdu waa daaq iyo ceelal, labadaasna waxa keenaa waa lagu xallin karaa biyo la helo. Daaqa waxa soo saara biyo ceelashana waxa laga dhurtaa uun biyo. Xalka qabaa’ilka markaa waxan u arkaa iney biyo yaraan tahay. Kolka ceelal badan la qodo xoolahana calaf waa loo heli waana la haqab bixi.


Wabillaahi tawfiiq

Qore: Wadaadyare Xaashi


Related Items