Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weeraro ka dhacay deegaanno dhaca Koonfurta wadankaasi.
Wararka ka imaanaya magaalada Al Naasiriyah ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada ammaanka ay ku xoog ku galeen fagaaraha iskusoo baxyada ee bartamaha magaalada.
Ciidamada qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa rasaas ku furay goob ay dadku iskusoo baxyo ka dhigayeen ee magaalada Al Naasiriyah.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay laga daad gureeyay Meydad iyo dhaawacyo, Afhayeen u hadlay booliska xukuumadda Ciraaq ayaa beeniyay in ciidamadoodu ay si bareer ah dadka ulaayeen.
Dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ayaa yimid saacado kadib markii dad caraysan ay gubeen dhismaha qunsuliyadda dowladda Shiicada Iiraan ay ku leedahay magaalada Al Najaf oo kamid ah meelaha ay ku badanyihiin macaabidda Shiicada.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Ciidamada Booliska Ciraaq oo dibad baxayaal ku laayay magaalada Al Naasiriya.
Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weeraro ka dhacay deegaanno dhaca Koonfurta wadankaasi.