Ciidamo katirsan Melleteriga Turkiga oo lagu dilay weerar ka dhacay Xuduudda Suuriya.

Thursday November 28, 2019 - 12:48:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan Melleteriga Turkiga oo lagu dilay weerar ka dhacay Xuduudda Suuriya.

    Melleteriga dowladda Turkiga ayaa markale weerar khasaara dhaliyay kala kulmay maleeshiyaadka Kooxda Kurdiyiinta PKK ee ka dagaallama wadamada Suuriya iyo Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Melleteriga dowladda Turkiga ayaa markale weerar khasaara dhaliyay kala kulmay maleeshiyaadka Kooxda Kurdiyiinta PKK ee ka dagaallama wadamada Suuriya iyo Turkiga.


War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 askari looga dilay weerar loo adeegsaday madaafiic oo shalay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in qaraxyo is xig xigay laga maqlay xuduudda daqiiqado kadib markii laduqeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada melleteriga Turkiga.

Inkastoo ciidamada isbahaysanaya ayaa laba bilood ka hor duullaan ballaaran ku qaadeen deegaanno dhaca waqooyiga Suuriya ayna Kurdiyiinta ka qabsadeen magaalooyin waaweyn hadane kooxahan gooni ugoosadka ah waxay qaadayaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.


Xukuumadda dabadhilifka Ankara ayaa duullaanka ay ku qaadday Suuriya marmarsiimo uga dhigatay in ay ku sugayso ammaanka wadankeeda waxaana muuqata in wali aysan ku guuleysan hakinta weeraradaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items