Ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa gummeysi daran ku haya shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta Soomaaliya, gobolkan ayaa sanadadii lasoo dhaafay lagasoo calaamadeeyay tacadiyo dhowr ah.
Bilihii dambe khilaafka udhaxeeya DF-ka iyo maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa Gedo si aad ah ugasoo muuqday, inta badan maamulladii degmooyinka gobolka ayay dowladda Itoobiya ku qasabtay in ay hoos tagaan dowladda Farmaajo.
Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay xaaladda Gedo iyo saameynta uu gobolka ku yeelan karo loollanka u dhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo gadaal ay ka kala taaganyihiin dowladaha gummeysiga Itoobiya iyo Kenya.
Khilaafka udhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo saameyn ku yeeshay gobolka Gedo [dhageyso Wareysi].