SAWIRRO: Qeybinta Xoolaha Zakada Oo Ka Bilaabatay Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

Thursday November 28, 2019 - 20:27:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Qeybinta Xoolaha Zakada Oo Ka Bilaabatay Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.

    Wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya waxaa si habsami leh uga bilaawday Qeybinta xoolaha Zakawaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayaatka Islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya waxaa si habsami leh uga bilaawday Qeybinta xoolaha Zakawaadka.

Howllaha Zaka qeybinta sanaddan 1441 Hijriya waxay ka bilaawdeen inta badan degmooyinka iyo deegaannada Wilaayada Jubbooyinka iyadoona dadka fuqarada iyo masaakiinta ah lasiiyay xoolaha nicmoolayda sedaxdooda nuuc.

Boqolaal qoys oo Fuqaro iyo Masaakiin ah ayaa ka Faa'iidaystay mashruuca Zaka qeybinta oo maktabka Zakawaatka wilaayada Islaamiga Jubbooyinka uu ka fuliyay degmooyinka Saakoow,Salagle, Jamaame  iyo  Jilib.

Mas'uuliyiin Katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa ku sugnaa goobaha xoolaha Zakawaatka loogu qeybinayay ayaa bogaadiyay kaalinta ay dadka caamiliinta ah u hayaan bulshada.


Degmada Jilib waxaa xoolaha Zakada loo qeybiyay illaa 300 oo qoys, 14 kamid ah dadka Zakada loo qeybiyay ayaa laga dhigay kuwa hodon ah kadib markii lasiiyay xoolo ku filan oo ay faqriga uga bixi karaan.

Lix kamid ah dadkaas waxaa lasiiyay min 5 neef oo Geela halka shan qof lasiiyay min 30 neef Ari ah sedaxda kale waxaa lasiiyay min 10 neef oo Lo' ah, dhinaca kale maamullada islaamiga ah ee degmooyinka Jamaame,Saakoow iyo Salagle ayaa isku geyn  qeybiyay 810 neef oo xoolaha zakada ah.

Dhammaan wilaayaatka Islaamiga ah ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda ay ka bilaawdaan howllaha Zaka qeybinta, sanad walba ayay Xarakada Al Shabaab dalka ka aruurisaa Fariidada Zakada waxay kasoo qaaddaa dadka xoolaha heysa waxayna dib ugu celisaa dadka fuqarada ah.


























Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho




Related Items