Farmaajo oo ciidamo Itoobiyaan dheeraad ah soo geliyay gobollada Gedo iyo Galguduud.

Saturday November 30, 2019 - 11:17:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo ciidamo Itoobiyaan dheeraad ah soo geliyay gobollada Gedo iyo Galguduud.

    Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duullaan hor leh kusoo qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa duullaan hor leh kusoo qaaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

 


Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka gaashaaman ay gaareen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb halkaas oo ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaad daacad u ah dowladda Federaalka.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa saldhig ka sameystay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo xarunta degmada halkaas oo la arkayay iyagoo difaacyo ka qodanaya.

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno katisan DF-ka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Xabashida ay doonayaan in ay dowladda Farmaajo uqabtaan Mudug iyo Galguduud haddii doorashada madaxtinimada Galmudug uu ku guulaysan waayo musharraxa ay iyadu wadato.



Sidoo kale kumanan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa kasoo gudbay degmada Dooloow ee gobolka Gedo waxayna soo gaareen Luuq, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada oo wata gaadiidka Uuraallada loo yaqaan ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku aadayaan dhanka Beled Xaawo iyo Baardheere.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Gedo gaaray ay bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo ay ku burburinayaan maamullada taageersan 'Jubbaland' ee kajira degmooyin Gedo katirsan.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo siyaasad ahaan ay isku dhowyihiin Farmaajo ayaa doonaysa in dalka Soomaaliya ay ku qabsato magaca taageerada dowladda Federaalka arrinkaas oo banaanka soo dhigaya heerka ay gaarsiisantahay dabadhilifnimada Farmaajo.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
ama ku darso Bot-ka Somalimemo@SomaliMemoBot
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



 

Related Items