Askari lagu dilay deegaanka Weydoow iyo qarax Muqdisho ka dhacay.

Saturday November 30, 2019 - 12:00:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay deegaanka Weydoow iyo qarax Muqdisho ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro ciidamo lagu beegsaday oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro ciidamo lagu beegsaday oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

 


Weerar hubaysan oo ka dhacay deegaanka Weydoow ee dhanka galbeed uga beegan Muqdisho ayaa sababay dhimashada hal askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen askariga kadibna ay horay ugasii qaateen qori AK47 ah oo uu watay.

Dhinaca kale sarkaal sare oo DF-ka ayaa ka badbaaday qarax lagula beegsaday degmada Wardhiigleey, jugta qarax xooggan ayaa xalay laga maqlay xaafadda Wardgiigleey, warar soo baxay ayaa sheegaya in uu qaraxa ka badbaaday sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Foor Foor.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items