R/Wasaarihii Dowladda Shiicada Ciraaq oo iscasilaad ku dhawaaqay.

Saturday November 30, 2019 - 20:57:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaarihii Dowladda Shiicada Ciraaq oo iscasilaad ku dhawaaqay.

    Caadil Cabdil Mahdi oo ahaa R/wasaarihii xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilka Raysal wasaaranimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caadil Cabdil Mahdi oo ahaa R/wasaarihii xukuumadda Shiicada Ciraaq ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilka Raysal wasaaranimo.


Warqad qoraal ah oo uu Cabdil Mahdi ugudbiyay guddoonka baarlamaanka ee fadhigiisu yahay magaalada Baqdaad ayuu ku iclaamiyay iscasilaadiisa.

Golaha Wasiirrada xukuumadda Ciraaq ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday iscasilaadda R/wasaaraha, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaannada baarlamaanka Ciraaq ay diidmo ka muujinayaan istiqaalada uu gudbiyay Caadil Cabdil Mahdi.

Dabaal degyo waaweyn ayaa durbadiiba ka bilaawday magaalada Baqdaad, dadka dibad baxyada ka dhigaya fagaaraha Taxriir ayaa iscasilaadda R/wasaaraha ku tilmaamay guul weyn oo ay ka gaareen kacdoonka shacbiga ah ee ay wadaan.


Magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Ciraaq dhaca waxaa lagasoo sheegayaa dibad baxyo rabshado wata waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda wadankaas ay faraha kasii baxdo, dadka ugu badan ee dibad baxyada dhigaya waa daa'ifada Shiicada ee 16-kii sanadoo ee lasoo dhaafay talada haysay islamarkaana musuq maasuqday hantidii dowladda.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items