Al Shabaab oo si adag udifaacday Xoolo Zakawaat ah oo ay dhici rabeen Maleeshiyaad daacad u ah ciidamada Itoobiya.

Saturday November 30, 2019 - 21:18:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo si adag udifaacday Xoolo Zakawaat ah oo ay dhici rabeen Maleeshiyaad daacad u ah ciidamada Itoobiya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo duleedka magaalada Baardheere ku dhaxmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo xooggan oo duleedka magaalada Baardheere ku dhaxmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka.


Wararka laga helayo gobolka Gedo waxay sheegayaan in dagaal khasaara badan dhaliyay uu xoogaga Al Shabaab iyo maleeshiyaad Amxaara kalkaal ah ku dhaxmaray tuulada Daar oo qiyaastii 30 KM ujirta magaalada Baardheere.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay si adag uga hortageen isku day ay maleeshiyaadka daacadda u ah Itoobiya ay ku doonayeen in ay ku dhacaan xoolaha Zakawaatka oo wilaayada islaamiga Gedo uqeybinaysay dadka fuqarada ah.


Goobta dagaalka ayaa lagu arkay meydadka illaa 4 askari oo kamid ahaa ciidamadii duullaanka kasoo qaaday degmada Baadheere, ciidamada Al Shabaab ayaa si adag udifaacay deegaanka iyo xoolihii Zakawaatka ee ay damacsanaayeen in ay dhacaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay goobta dagaalka ka daabusheen hub iyo saanado kale oo ay ka reebteen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta islaamiga ah u sheegay in qeybinta xoolaha Zakawaatka ay si habsami leh uga socoto deegaanka Wilaayada Gedo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo ay soo abaabuleen taliska ciidamada Itoobiya ee Baardheere ayaa loo xilsaaray in ay carqaladeeyaan ku dhaqanka Shareecada islaamka.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items