R/Wasaaraha Itoobiya oo cadaadis dhan walba ah wajahaya.

Sunday December 01, 2019 - 17:17:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya oo cadaadis dhan walba ah wajahaya.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa ku eedaysay R/wasaaraha Itoobiya iyo in uu faragelin siyaasadeed ku hayo dalalka dariska la ah Itoobiya sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa ku eedaysay R/wasaaraha Itoobiya iyo in uu faragelin siyaasadeed ku hayo dalalka dariska la ah Itoobiya sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.


Laba warbixin oo Q.Midoobay ay soo saartay ayaa Abiy Axmed ku tuhmay in dowladdiisu faragelin ku hayso dalal dhaca bariga Afrika arrinkaas oo dhaawacaya abaalmarintii nabadda ee sanadkan gudihiisa lasiiyay .

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in R/wasaaraha Itoobiya uu wajahayo cadaadis dhanka siyaasadda ah oo kaga imaanaya Ururo caalami ah iyo siyaasiyiinta gudaha.


Dowladda Itoobiya faragelinta ay ku hayso wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa ah mid muuqda waxaana labadaas wadan ka jooga ciidamo kumanaan ah oo aan ku diiwaan gashanayn magaca UN-ka.

Meles Alem oo ah safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya wadanka Kenya ayaa si kulul ubeeniyay eedaymaha loo jeediyay wuxuuna ku sheegay kuwa aan sal iyo raad laheyn.

"Mid ka mid ah tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waa in aanan fara-gelin arrimaha gudaha ee dalal kale taasina waa diiwaankeena, ka deris wanaag ahaan waxaan ciyaarnay kaalin wax ku ool ah” sidaas waxaa yiri Meles Alem .

Marka lagasoo tago cadaadisyada uu dhanka dibadda ka wajahayo Abiy Axmed waxaa jira cadaadisyo uga imaanaya qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada oo si aad ah u mucaaradsan xukuumaddiisa.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items