Maamulka 'Puntland' Oo Shirkad Ajnabi ah ku wareejiyay Garoonka diyaaradaha Garoowe.

Sunday December 01, 2019 - 21:18:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' Oo Shirkad Ajnabi ah ku wareejiyay Garoonka diyaaradaha Garoowe.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ku wareejiyay shirkad shisheeye oo aad usumcad xun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ku wareejiyay shirkad shisheeye oo aad usumcad xun.


Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayna goob joog k ahaayeen mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka Puntland ayaa shirkadda Caloosheeda ushaqeysatada ah ee Black Water lagula wareejiyay garoonka diyaaradaha Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada diyaaradaha 'Puntland' ninka lagu magacaabo Xusseen Cismaan Lugatoor ayaa shirka lagu magacaabo Frontier Service Group ku wareejiyay garoonka.

Shirkaddan waa Black Water oo bedelatay magacii lagu yaqiinay kadib markii ay fadeexado kala kulantay howlgallo dad lagu gummaaday oo ka dhacay wadamada Afghanistan iyo Ciraaq.


Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Afrika Dr. Hu Ping oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa gacanta loo geliyay dukumiinti caddeynaya in shirkadiisa lagu wareejiyay amniga iyo maamulka garoonka diyaaradaha Garoowe.

Shirkadda Black Water oo weeraro falal dambiyeedyo ah ka fulisay daafaha caalamka waxaa aas aasay sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka Mareykanka kaas oo lagu magacaabo Erik Prince.

Si ay sumcadeeda dib ugusoo ceshato ayay labaxday Frontier Services Group balse wali waxaa shirkadda howlwadeenno ka ah calooshood ushaqeystayaal caalamka lagasoom kala aruuriyay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo madashii heshiiska lagu saxiixayay ka hadlay wuxuu sheegay in shirkaddu qaban doonto adeegyo amni iyo kuwa horumarineed sida uu hadalka udhigay.

Maamullada dabadhilifyada ah ee kajira Soomaaliya ayaa dalka ku qabsanaya shirkado iyo ciidamo shisheeye kuwaas oo boob dhaqaale ku haya Kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Related Items