Mid kamida Hay'adaha dowladda oo Shaqaalaheeda ufasaxday Munaasabadda Ciidda Kirishtaanka aawgeed!

Monday December 02, 2019 - 12:21:46 in Wararka by
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamida Hay'adaha dowladda oo Shaqaalaheeda ufasaxday Munaasabadda Ciidda Kirishtaanka aawgeed!

    Qaar kamid ah hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelaya fasax hal bil ah oo ay ugu dabaal degayaan waxa loogu yeero Ciidda Kirishtanka iyo sanadka cusub ee Miilaadiga loo yaqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelaya fasax hal bil ah oo ay ugu dabaal degayaan waxa loogu yeero Ciidda Kirishtanka iyo sanadka cusub ee Miilaadiga loo yaqaan.


Dhammaan Shaqaalaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in ay fasax yihiin muddo hal bil ah oo ka bilaabanaysa 3-da bishan December kuna eg bilaawga bisha Janaayo ee sanadda 2020-ka.

Qaar kamida dad dacwad u tagay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa loo sheegay in maxkamaddu fasax gashay sababa laxiriira dabaal degga ciidda Kirismiska "markii aan maxkamadda tagnay mas'uuliyiintu waxay noo sheegeen in wax shaqa ah aysan jirin sababa laxiriira shaqaalaha oo loo fasaxay Ciidda Kirismiska aawgeed" sidaas waxaa yiri qof dacwo u aaday maxkamadda gobolka Banaadir.


Arrintan ayay aad ula yaabeen shacabka magaalada Muqdisho waxaana lays weydiinayaa sababta ay dowladda Federaalka u dhaqan gelinayso ciidaha iyo dhaqamada gaalada maadaama dadka Soomaaliyeed 100% ay muslimiin yihiin.

Dadka indheer garadka ah ayaa arrintan sabab uga dhigaya dowladda oo ay xubno ka yihiin kuwa qurba joog ah oo qarsada Kirishtaanimadooda halka dadka qaar ay arrintan ku macnaynayaan hay'adaha iyo dowladaha shisheeye ee taageera dowladda Farmaajo oo amray in laweyneeyo Ciidda Kirishtaanka.

Wasaarado katirsan dowlada ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda ay shaqaalahooda fasaxaan sababa laxiriirka Ciidda Kirismiska iyo sanadka cusub ee gaalada.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items