Maxay ka wadahadleen Shariif iyo Donald Yamamoto?

Monday December 02, 2019 - 15:40:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wadahadleen Shariif iyo Donald Yamamoto?

    Iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha DF, iyo Madaxweynayaashii isaga ka horreeyay oo ay kamid yihii Shariif Sheekh Axmad iyo Xassan Sheekh, la iskuna heysto waqti kororsi uu sameeyo nidaamka hadda jira ayaa waxaa muuqanaya in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha DF, iyo Madaxweynayaashii isaga ka horreeyay oo ay kamid yihii Shariif Sheekh Axmad iyo Xassan Sheekh, la iskuna heysto waqti kororsi uu sameeyo nidaamka hadda jira ayaa waxaa muuqanaya in ay arrimahan soo fara galinayaan dowladaha shisheeye ee fara galinta iyo dagaalkaba ku haya Soomaaliya.


Shariif Sheekh Axmad oo ugu cadcad xubnaha dhaliilsan Farmaajo ayaa waxaa maanta oo Axad ahayd looga yeeray xafiiska uu xerada Xalane ku leeyahay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ninka lagu magacaabo Donald Yamamoto.

Wuxuu ahaa shir ay albaabada u xiran yihiin oo la qiyaasi karo in Shriif lagala hadlay arrimaha khilaafaadyada loona tilmaamay hab raac ay Mareykanku dajiyeen oo ay tahay inuu raaco. Balse war qoraal ah oo uu Shariifka qudhiisu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wuxuu ku qiray in isaga iyo safiirku ka wada hadleen arrimahaas.



"Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada xisbiyada siyaasadda”sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmad.

Wuxuu intaasi ku daray in uu Safiirka u sheegay inuusan raali ka ahayn inuu Farmaajo sameeyo waqti kororsi, hayeeshee wuxuu ka gaabsaday dhammaan wax yaabihii isaga la faray iyo sida uu Mareykanku la yahay khilaafka haatan jira.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya uu u yeeray Axmad Madoobe islamarkaana uu kala hadlay khilaafka ka dhaxeeya isaga iyo Farmaajo. Dowladda Federalka iyo Siyaasiyiinta mucaaradsan ayaa u muuqanaya kuwa ay shisheeyuhu kala dhicinayaan marna isku dirayaan.

Madaxweynaha DF-ka ayaa dhankiisa dadaal ugu jira sidoo uu awood ugu sheegan lahaa xisbiyada mucaaradsan isagoo adeegsanaya Itoobiya oo markii uu Dekedaha siiyay ka aqbashay iney u caburiso siyaasiyiinta mucaaradka.

Related Items