Wasiirka Difaaca Itoobiya oo mucaaraday Siyaasadda R/Wasaare Abiy Axmed.

Tuesday December 03, 2019 - 08:53:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca Itoobiya oo mucaaraday Siyaasadda R/Wasaare Abiy Axmed.

    Khilaafaadyo xooggan ayaa soo kala dhaxgalay mas'uuliyiinta ugu sarraysa xisbiga talada haya ee wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafaadyo xooggan ayaa soo kala dhaxgalay mas'uuliyiinta ugu sarraysa xisbiga talada haya ee wadanka Itoobiya.


Lima Migersa oo ah wasiirka difaaca Itoobiya kana mid ah siyaasiyiinta ugu awoodda badan wadanka ee kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay tallaabadii lagu bedelay magaca xisbigii EPRDF.

Wasiirka difaaca ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ku sheegay in uu kasoo horjeedo in mar qura xisbiga talada haya magaciisa labedelo wuxuuna ka digay kala qeybsanaan hor leh oo ku habsata siyaasadda wadanka.


Lima Migersa ayaa horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Oromia sidoo kale waa guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya EPRDF.

Falanqeeyaasha siyaasadda Itoobiya waxay sheegayaan in ay dhabarka ay isku jeediyeen Abiy Axmed iyo saaxibkiis Lima Migersa oo ah siyaasi awood siyaasadeed ku dhax leh qowmiyadda Oromada oo ah midda ugu badan ee Itoobiya degta.

Isbuucii lasoo dhaafay sedaxda Xisbi ee ku bahoobay Jabhadda Kacdoonka Dimuquraadiga Itoobiya ayaa iclaamiyay in xisbigii talada hayay lagu bedelay Xisbi lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items