Ciidamada Maamuka 'Hirshabelle' oo qof Shacab ah ku dilay degmada Buula Burte.

Tuesday December 03, 2019 - 11:12:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamuka 'Hirshabelle' oo qof Shacab ah ku dilay degmada Buula Burte.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaaqooyin khasaara dhaliyay ay ka dhaceen magaalada Buula Burte.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaaqooyin khasaara dhaliyay ay ka dhaceen magaalada Buula Burte.


Ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa rasaaseeyay dad iskusoo baxyo ka dhigayay gudaha magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan hal qof uu dhintay tira kalane ay dhaawcmeen kadib markii ciidamo daacad u ah maamulka Hirshabelle ay rasaaseeyeen dad dhigayay dibad baxyo ka dhan ah wasiir Max'med Cali Caadle.

Boqolaal qof ayaa taayarro ku gubaya waddooyinka degmada Bula Burte waxayna kasoo horjeedaan maamul uu wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle udhisay magaalada.


Ciidamada Jabuuti ee maamula degmada Buula Burte ayaa xirxiray qaar kamid ah dadkii dibad baxyada dhigayay, maamulka 'Hirshabelle ayaa bilihii lasoo dhaafay xilalkii ay hayeen ka xayuubinayay guddoomiyaha iyo duqa Buula Burte arrinkaas oo khilaaf dhaliyay.


Related Items