Qarax 23 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Suudaan.

Tuesday December 03, 2019 - 20:44:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax 23 qof ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Suudaan.

    Ugu yaraan 23 qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay Warshad kutaal magaalada Al Khurduum ee caasimadda wadanka Suudaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 23 qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay Warshad kutaal magaalada Al Khurduum ee caasimadda wadanka Suudaan.


Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay gudaha warshad sameysa ceramic-ka.

Jeneraal Xasan Cabdullaahi oo ah taliyaha Booliska mandiqadda Barxi ee gobolka Khurduum ayaa warbaahinta u sheegay in dab xooggan uu qabsaday gaari xamuul ah xilli uu faarujinayay shixnad Gaas ah oo uu siday.

Qiic iyo Uura Madoow ayaa cirka isku shareeray hawada magaalada caasimadda u ah wadanka Suudaan.


Ilaha caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan 90 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay warshadda soo saarta ceramic-ka, ciidamada booliska ayaa xiray hareeraha goobta qaraxu ka dhacay waxaana socda baaritaanno lagu hayo sababta gubashada warshadda keentay.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items