Taliyihii Booliska gobolka Nugaal oo shaqa Eryid lagu sameeyay.

Wednesday December 04, 2019 - 10:22:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Booliska gobolka Nugaal oo shaqa Eryid lagu sameeyay.

    Khilaafka dhanka siyaasadda ah ee ka dhax jira hoggaanka maamulka isku magacaabay Puntland ayaa saameyn ku yeeshay dhammaan wasaaradaha iyo taliyada ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka dhanka siyaasadda ah ee ka dhax jira hoggaanka maamulka isku magacaabay Puntland ayaa saameyn ku yeeshay dhammaan wasaaradaha iyo taliyada ciidamada.


Wareegto lasoo baxday xafiiska taliyaha guud ee ciidamada Booliska maamulka Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa xilkii uu hayay looga xayuubiyay taliyihii booliska gobolka Nugaal.

Warka kasoo baxay taliyaha Booliska maamulka 'Puntland' ayaa lagu sheegay in ninka lagu magacaabo Mu’min Cabdi Shire taliyihii Booliska gobolka Nugaal uu ku kacay shaqa gudasho la'aan iyo amar diido taasina ay sababtay in shaqada laga eryo.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliyaha xilka laga qaaday uu si aad ah ugasoo horjeestay weerar khasaara dhaliyay oo bishii lasoo dhaafay ka dhacay xarunta baarlamaanka ee magaalad Garoowe.

Saciid Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay dhammaan mas'uuliyiintii mucaaraday shaqaaqadii lagu eryay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items