Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Qadar ku marti qaaday shir ka dhici doono magaalada Riyaadh.

Wednesday December 04, 2019 - 11:10:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Qadar ku marti qaaday shir ka dhici doono magaalada Riyaadh.

    Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday in martiqaad rasmi ah ay ka heshay Hoggaamiyaha Boqortooyada Sacuudiga oo ah dal khilaaf xooggan kala dhaxeeyo muddo sedax sanadood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday in martiqaad rasmi ah ay ka heshay Hoggaamiyaha Boqortooyada Sacuudiga oo ah dal khilaaf xooggan kala dhaxeeyo muddo sedax sanadood ah.


Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in Salmaan Bin C/Caziiz oo ah boqorka Sacuudiga uu marti qaad rasmi ah ufidiyay Tamiim Bin Xamad oo ah amiirka dowladda Qadar.

Dowladda Sacuudiga ayaa amiirka Qadar ku martiqaaday in uu ka qeyb galo shirka 40aad ee golaha iskaashiga dowladaha Khaliijka kaas oo 10-ka bishaan ka furmi doono magaalada Riyaadh.

Cabdi Ladiif Alzayaani oo ah xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga Khaliijka ayaa shalay booqday magaalada Dooxa isagoo farriin uu ka siday boqorta Sacuudiga ugudbiyay dowladda Qadar.


Lama oga in madaxda xukuumadda Dooxa ay shirka Sacuudiga ka dhacaya xaadiri doonaan iyo inkale, dowlado ay kamid yihiin Imaaraatka Carabta,Sacuudiga iyo Masar ayaa sanaddii 2017 hareerayn dhan walba ah kusoo rogay xukuumadda Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto waxa loogu yeero Argagaxisada.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items