Guddoomiyihii degmada Awdheegle iyo ciidamo ilaala u ahaa oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/hoose.

Wednesday December 04, 2019 - 16:55:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii degmada Awdheegle iyo ciidamo ilaala u ahaa oo ku dhintay Qarax ka dhacay Sh/hoose.

    Mas'uul sare oo katirsnaa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax xooggan oo gaarigiisa lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa sawirka guddoomiyihii Awdheegle oo qarax lagu dilay
Mas'uul sare oo katirsnaa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax xooggan oo gaarigiisa lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in uu dhintay Max'med Yaroow oo ahaa guddoomiyihii degmada Awdheegle.

ilo wareedyo dhanka Amniga ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in qarax miino ay haleeshay gaari xamuul ah oo uu ku dhax dhuumanayay guddoomiyaha dhintay iyo ciidamo ilaala u ahaa.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha Awdheegle ay ladhinteen Afar askari oo ilaala u ahaa, qarax xooggan ayaa laga maqlay wadada xiriirisa deegaanka Bariire iyo Awdheegle halkaas oo uu ku safrayay mas'uulka ladilay.


Tan iyo markii ay ciidamada huwanta ah qabsadeen deegaannada Awdheegle iyo Bariire bartamihii sanadkan ayay weeraro isdaba joog ah kala kulmayeen xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Sidoo kale qarax  ay ku dhinteen Afar askari ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Aala Yaasir ee gobolka Sh/Hoose, wararku waxay sheegayaan in qarax miino uu haleelay Moota dhug dhugleey ay la socdeen ciidamada dowladda Federaalka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan dhiiga badan ku daatay ee maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items