Culimada Wilaayaatka Islaamiga oo C/Raxmaan Cabdi Shakuur gaalnimo ku xukumay [Dhageyso].

Thursday December 05, 2019 - 20:49:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Culimada Wilaayaatka Islaamiga oo C/Raxmaan Cabdi Shakuur gaalnimo ku xukumay [Dhageyso].

    Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xalay qabatay barnaamij gaar ah oo ay ku faaqideyso hadal dhawaan kasoo yeeray siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame kaas oo uu ka jeediyay xaflad uu kaga qeybgalayey dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/Raxmaan Cabdi Shakuur ayaa beeniyay Xadiith Saxiix ah
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa xalay qabatay barnaamij gaar ah oo ay ku faaqideyso hadal dhawaan kasoo yeeray siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame kaas oo uu ka jeediyay xaflad uu kaga qeybgalayey dalka Jarmalka.


Hadalkan ayuu C/Raxmaan C/Shakuur ku beeniyey xadiith saxiix ah oo ka sugan Nabi Maxamad salallaahu caleyhi wasala  islamarkaana ku qoran maraajicda waaweyn ee Islaamka sida Muslim iyo Bukhaari.

Barnaamijkan oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ayaa lagu faaqiday waxa uu yahay xadiithkan, sixadiisa, iyo weliba waxa uu noqonayo qofka beeniya xadiith ka mid ah axaadiithta ka sugan nabiga.

Mid ka mid ah Culimada oo si kulul kaga carooday waxa uu ku hadlay siyaasigan ayaa sheegay in ninkan uu mudan yahay in laga badalo magaca wanaagsan ee uu wato loona bixiyo Cabdi Kaffuur ama Cabdi Diinaar maadama uu yahay addoon Allaah ku kufriyay adduunyo raadin darteedna ugu gefay axaadiithta suubanaha.


Culimada ayaa sidoo kale si aad ah uga hadlaya marin habaabinta uu bulshada ku hayo ninkan, iyagoo isdul taag kooban ku sameynaya haweeneyda uu soo daliishaday ee la yiraahdo Balqiis taas oo uu ku tilmaamay in ay ahayd haweeney dimuquraadi ah sida uu hadalka u dhigay.

Related Items