Sarkaal Katirsan Sirdoonka DF Oo Muqdisho lagu Dilay.

Thursday December 05, 2019 - 09:40:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Sirdoonka DF Oo Muqdisho lagu Dilay.

    Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal dharcad ah oo katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal dharcad ah oo katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka.


Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Shankar ayaa lagu toogtay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta ayaa ka haleeshey qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana durba isagoo meyd ah uu ku dhacay dhulka, iyadoo raggii dilka fuliyay ay goobta isaga tageen.

Waxaa goordambe halka uu dilka ka dhacay soo gaaray askar katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo qaatay meydka sarkaalkooda.

Muqdisho, dilalka loo geysanayo Saraakiisha, xubnaha iyo askarta dowladda federaalka ayaa joogta ka ah, waxaana ay kamid noqdeen nolol maalmeedka caadiga ah.


Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items