Toogasho Askar American ah lagu dilay oo ka dhacday gobolka Hawaii.

Thursday December 05, 2019 - 13:41:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho Askar American ah lagu dilay oo ka dhacday gobolka Hawaii.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashaya toogasho ka dhacday mid kamida saldhigyada ugu waaweyn dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashaya toogasho ka dhacday mid kamida saldhigyada ugu waaweyn dalka Mareykanka.


Askari American ah ayaa toogtay 2 askari American ah oo ku sugnaa saldhigga Pearl Harbor oo dhaca gobolka Hawaii, saraakiil melleteri ayaa sheegay in ruuxa toogashada geystay uu markii dambe isdilay.

Isku geyn dadka askarta ku dhimatay toogashada ka dhacday saldhigga Pearl Habor ayaa gaaraysa 3 askari, weerarkan wuxuu ka dhacay meel 13 KM ujirta magaalada Honolulu.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aaddan sababta uu askariga Americanka ah u laayay saaxiibadiis.


Related Items