Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Thursday December 05, 2019 - 19:19:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo markale ka dhacay deegaan dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo iyo qaraxyo markale ka dhacay deegaan dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Iska hor'imaadyo xooggan ayaa maanta barqadii ka dhacay saldhigga ciidamada maamulka 'Jubbaland' ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 45 KM ujira magaalada Kismaayo.

Iska hor'imaadka ayaa yimid kadib markii ay xoogaga Al Shabaab weerar toos ah ku qaadeen sadhigga Baar Sanguuni, wararku waxay sheegayaan in markii uu weerarku soo idlaaday ay maleeshiyaadka maamulka Jubbaland isku dayeen in ay dabagal ku sameeyaan xoogagii weerarka qaaday.


Qarax xooggan ayaa maleeshiyaadka Axmed Madoobe haleelay markii ay marayeen banaanka deegaanka Baarka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax 2aad oo maleeshiyaadka lala helay uu sababay dhimashada ugu yaraan 4 askari.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay degantahay, xoogaga Al Shabaab ayaa si nabad gelya ah dib ugu laabtay halkii ay kasoo weerar tageen halka maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ay dhimasho iyo dhaawac udaad gureeyeen dhanka Kismaayo.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items