Dowladda Kenya oo xaqiijisay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadday deegaanka Dhicise.

Thursday December 05, 2019 - 19:37:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo xaqiijisay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadday deegaanka Dhicise.

    War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada booliska dowladda Kenya ayaa lagu xaqiijiyay weerarkii xooganaa ee dagaalyahannada Al Shabaab shalay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad degmada Gaarisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerar ka dhacay dhulka NFD
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada booliska dowladda Kenya ayaa lagu xaqiijiyay weerarkii xooganaa ee dagaalyahannada Al Shabaab shalay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad degmada Gaarisa.

Taliska booliska dowladda Kenya ayaa sheegay in deegaanka Dhicise oo 30 KM ujira magaalada Gaarisa ay weerar aad uxooggan ku qaadeen dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerareen saldhigga ciidamada booliska waxaana jira khasaara dhaawacyo ah oo dhowr sarkaal soo gaaray.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahannada Al Shabaab ay saldhigga deegaanka Dhicise ka rarteen saanado hub ah iyo qalab ay ku shaqeynaysay dowladda Hoose ee Kenya.


Taliska ciidamada Xarakada SHM ayaa shalay sheegay in dagaalyahanadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Dhicise islamarkaana ay umuxaadareeyeen dadka deegaanka.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items