Duqii magaalada Nairobi oo laxiray kadib markii uu musuq maasuqay hanti dowladeed.

Saturday December 07, 2019 - 09:28:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqii magaalada Nairobi oo laxiray kadib markii uu musuq maasuqay hanti dowladeed.

    Dowladda Kenya oo ku caanbaxday Musuqmaasuqa iyo Laaluushka ayaa markale so bandhigtay Wax isdaba marin uu sameeyay mas'uul katirsan xukuumadda Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya oo ku caanbaxday Musuqmaasuqa iyo Laaluushka ayaa markale so bandhigtay Wax isdaba marin uu sameeyay mas'uul katirsan xukuumadda Nairobi.


Nuuradiin Xaaji oo ku magacaaban Waxa ay ugu yeereen Dacwad ogooha guud ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Magaalada Nairobi in uu lunsaday lacag dhan 357 milyan oo Shillinka Kenya ah taas oo lasheegay in uu kala baxay Qasnadda maaliyadda gobolka.

Mike Sonko Guddoomiyaha Ismaamulka Nairobi oo maalmihii laso dhaafay Booqasho ku joogay Magaalada VOI ayaa waxaa lagasoo xiray Isla magaaladaas kadib markii ay soo gaartay warqad katimid Xafiiska dacwad oogaha Kenya ninka lagu Magacaabo Nuuradiin Xaaji kaasi oo amar ku bixiyay in la soo xiro.


Xafiiska dacwad Oogaha Kenya ayaa sheegay in Xarigga kadibna ay xigi doonto tallaab ah in guddoomiye Sonko la weydiiyo Su'aaalo ku saabsan halka ay ku maqantahay 357 Milyan oo shilinka Kenya ah  taas oo loogu talagalay maamulka uu hoggaamiyo ee kataliya Caasimadda.

Isagoo sii hadlayay Ninka hoggaamiya Xafiiska Dacwad Oogaha Kenya ayaa ka digay in inta ay socdaan baaritaanada laxiriira arrintani in la carqaladeeyo iyagoo dhinaca kale sheegay in ay hayaan xog ku filan oo laga hayo guddoomiye Sonko.

Waxaa la filayaa in duqa magaalada Nairobi dhawwaan maxkamadda la horkeeno uuna wajaho eedeymo musuq maasuqaasi la xiriira taas oo ka dhigan mas'uulkii ugu sarreeyay oo dacwad nuucaan ah lagusoo oogo.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah wadamada qaaradda Afrika ee safka hore uga jira Musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta wuxuuna musuqu noqday mid ragaadiyay dhaqaalaha wadanka.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items