Al Shabaab oo bayaan kasoo saartay Weerarkii Wajeer ee dadka Kenyaanka ah lagu laayay digniin culusna dirtay {Warsaxaafadeed].

Saturday December 07, 2019 - 11:23:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo bayaan kasoo saartay Weerarkii Wajeer ee dadka Kenyaanka ah lagu laayay digniin culusna dirtay {Warsaxaafadeed].

    Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa war rasmi ah kasoo saaray weerar maalintii shalay oo jimca ahayd ka dhacay gobolka Wajeer ee ku jira gumaysiga dowlada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa war rasmi ah kasoo saaray weerar maalintii shalay oo jimca ahayd ka dhacay gobolka Wajeer ee ku jira gumaysiga dowlada Kenya.


War saxaafadeedka oo ku qornaa luqada English-ka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarku uu beegsaday gaalo Kenyaati ah kuwaas oo qaarkood ay katirsanaayeen hay’adaha sirdoonka Kenya iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda.

" Galabnimadii Jimcaha oo ay taariikhdu ahayd 09 Rabiicu thaani 1441 Hijri, kuna beegnayd 06/12/2019, Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgal ka fuliyay gobolka Wajeer ee ka tirsan dhulka Muslimiinta lahaysto ee NFD. Hawlgalka oo dhacay saacaddu markii ay ahayd 17:00 galabnimo, waxaa lagu dilay 10 Saliibiyiin ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adaha sirdoonka qarsoon iyo shaqaalaha dowlada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Al-Shabaab.



" Saliibiyiintu waxay ka yimaadeen dhanka Magaalada Nayroobi, waxayna kusoo jeedeen Magaalada Mandheera si ay usii xoojiyaan deegaameeynta kirishtaanka ee dhulkaas Muslimiinta ee xoogga lagu haysto, ayna sii wadaan falalkooda gurracan iyo inay sii faafiyaan ujeedooyinkooda sumaysan ee dhanka ah Muslimiinta”.

War-saxaafadeedka  Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay " Weerarkan wuxuu farriin kale u yahay dowlada gaalada ah ee Kenya, in shacabkeeda Saliibiyiinta ah ayasan nabadgelyo kunaalloon doonin inta ay dowladoodu gumaysi kusii haysato dhulalka Muslimiinta, boobayso khayraadkooda ayna dulminayso dadka Muslimiinta ah”.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa ku saxiixan Sheekh Cabdi Caziiz Abu Muscab Afhayeenka ciidamada ee Xarakada Al Shabaab.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka oo English ku qoran PDF

Related Items