Col. Max'med Dhooleey oo lagu dilay Sh/Hoose iyo weerar ka dhacay deegaanka Qalimoow.

Saturday December 07, 2019 - 11:03:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col. Max'med Dhooleey oo lagu dilay Sh/Hoose iyo weerar ka dhacay deegaanka Qalimoow.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedyada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedyada Muqdisho.


Qarax shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ayaa sababay dhimashada madaxii Miina baarista dowladda Federaalka uqaabilsanaa gobolka Sh/Hoose.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax ay Al Shabaab dhigtay wadada hareeraheeda uu ku dhintay Col.Max'med Dhooleey oo ahaa madaxii Miina baarista ciidamada dowladda ee Sh/Hoose.

Dhooleey ayaa ahaa khabiir qaabilsanaa kala furfuridda walxaha qarxa isagoo tababarro dhowr ah kusoo qaatay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, dhinaca kale ugu yaraan hal askari ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar hubeysan uu ka dhacay deegaan katirsan Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimoow ee udhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerareen bar koontarool oo ciidamada dowladda ay dhigteen banaanka deegaanka.

Hal askari ayaa ku dhintay weerarka iyadoona xoogaga weerark qaaday ay horay usii qaateen hubkii uu watay askariga ladilay iyo Moota dhug dhugleey uu lahaa askariga la khaarijiyay.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items