Roobab Dabeyllo wata oo ku dhuftay Bariga iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Saturday December 07, 2019 - 16:19:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabeyllo wata oo ku dhuftay Bariga iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Roobab Mahiigaan ah oo wata dabeyllo ayaa ku dhuftay inta badan gobollada dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah oo wata dabeyllo ayaa ku dhuftay inta badan gobollada dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobollada Bari,Nugaal iyo Sanaag ayaa sheegaya in roobab daadad wata oo socday wax kabadan 24 saacadood ay ka da'ayeen magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka xeebaha ku teedsan.

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal roobabka oo dabeyllo watay ayaa dumiyay guryo iyo gooba ganacsi, ilo wareedyo laga helay gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dabeyllaha roobka ay jareen dhammaan qalabkii isgaarsiinta.

Gobolka Bari waxaa lasoo sheegayaa in roobabka oo daadad wata ay jareen waddooyinka muhiimka ah waxaana adag in la ogaado khasaaraha nafeed iyo kuwa maaliyadeed ee ka dhashay.


Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa kamid ah meelaha Roobabku ka da'ayaan waxaana hakad kujira isku socodka gaadiidka dadweynaha, biyaha xareedda ayaa meel walba fadhiya.

Degmada Garacad ee gobolka Mudug katirsan waxaa la sheegay in roobabka dabeyllaha wata ay saameeyeen qalabka isgaarsiinta, illaa 5 doonyood oo ah kuwa kaluumaysig ayay baddu la tagay deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Sanaag sidoo kale deegaannada Murcanyo, Caluula, Xaafuun iyo Bandar Bayla ayaa lagasoo sheegayaan in dabeyllo ay doonyo ku fogeeyeen badda balse illaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo waxyeellada ay geysteen.

Roobabkan dabeyllaha wata ayaa daba socda roobabka Dayrta oo sanadkaan si aan horay looga arag uga da'ay gobollada dhaca Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items