Askari lagu dilay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Saturday December 07, 2019 - 20:10:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu dilay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta ka dhacay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.


Rag bastoolado ku hubeysan ayaa dilay nin magaciisa lagu sheegay Dhegaweyne Xasan Maxamuud oo kamid ahaa ciidamada dowladda Feeraalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ninka ladilay uu kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah uwaardiyeeya Cabdi Fataax Xasan Afrax guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee lagu dilay askariga katirsan dowladda, weerarada hubeysan ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Farmaajo ayaa si joogta ah uga socda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items