Isbedel dhanka maamulka ah oo ka xasilay deegaan ku dhow Dhoobleey.

Sunday December 08, 2019 - 10:47:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedel dhanka maamulka ah oo ka xasilay deegaan ku dhow Dhoobleey.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay isbedel dhanka maamulka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay isbedel dhanka maamulka ah.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Jubbada Hoose.

Majirin wax dagaallo ah oo deegaanka ka dhacay, ciidamadii maamulka Jubbaland ayaa deegaanka uga firxaday dhanka dhulka howdka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaank, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in wax isbedel ah aysan ku imaan ganacsiga iyo deganaanta deegaanka.


Ma ahan markii ugu horraysay oo xoogaga Al Shabaab ay la wareegaan deegaanka Dag Allamo oo kamid ah deegaannada gacanta cadowga galay horraantii sanadii 2012-kii xilligaas oo ciidamada Kenya ay qabsadeen inta badan deegaannada xuduud beenaadka dhaca.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items