Maleeshiyaad Shacab ku dilay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug.

Sunday December 08, 2019 - 12:14:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Shacab ku dilay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug.

    Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ka geystay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ka geystay deegaan katirsan gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Gelinsoor ee u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay rasaaseeyeen gaari rakaab ah.

Dad ku sugan deegaanka Gelinsoor ayaa warbaahinta ugu sheegay in hal qof uu dhintay laba kalane ay ku dhaawacmeen rasaasta ay kooxaha hubeysan ku fureen gaariga rakaabka ah.

Sarkaal u hadlay ciidamada maamulka 'Galmudug' ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aaddan sababta ay maleeshiyaadkan u weerareen gaari rakaabka ah.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items