deg deg: Kabtan katirsan ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

Sunday December 08, 2019 - 14:53:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    deg deg: Kabtan katirsan ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay.

    Xoogag hubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubaysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.


Rag hubeysan ayaa degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal darajadiisa ciidan ay aheyd Kabtan kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Guutaale.

Ilo wareedyo amni ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in Kabtan Guutaale ay rag hubeysan  qeybaha sare ee jirka ka tookteen kadibna ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen goobtii weerarku ka dhacay.

Kabtanka Maxamed Cumar Guutaale ayaa galaangal weyn ku dhax lahaa taliska ciidanka 'Xoogga' ee hoggaanka uu u hayo Max'med Cabdullaahi Farmaajo, dilka sarkaalkan ayaa qeyb ka ah ugaarsi daran oo xoogaga jihaadiga Al Shabaab ay ku hayaan askarta iyo mas'uuliyiinta dowladda.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items