Afar qof isku qoys ah oo ku dhimtay Magaalada Hargeysa.

Sunday December 08, 2019 - 14:40:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar qof isku qoys ah oo ku dhimtay Magaalada Hargeysa.

    Guri qadiimi ah oo kuyaal magaalada Hargeysa ayaa ku dumay qoyskii deganaa waxaana halkaas ku dhintay dhammaan dadkii xiligaas ku sugnaa dhismaha burburay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guri qadiimi ah oo kuyaal magaalada Hargeysa ayaa ku dumay qoyskii deganaa waxaana halkaas ku dhintay dhammaan dadkii xiligaas ku sugnaa dhismaha burburay.


Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in guri kuyaal xaafadda Birjeex uu dumay waxaana ku dhintay Afar qof oo kala ahaa laba carruur ah iyo waalidiintii dhalay.

Saraakiisha gurmadka degdegga ah ee magaalada Hargeysa oo goobta gaaray ayaa burburka hoostiisa kasoo saaray afarta qof ee dhimatay.

Guriga dumay ayaa la sheegay in uu dhisnaa ku dhowaad boqol sanadood, dadka ku nool xaafadda Birjeex ee musiibadu ka dhacday ayaa aad uga murugooday dhibaatada ku dhacday qoyska dariska la ahaa.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items