20 Qof Suuriyaan ah oo ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha Ruushka ka geysteen gobolka Idlib.

Sunday December 08, 2019 - 14:52:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 Qof Suuriyaan ah oo ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha Ruushka ka geysteen gobolka Idlib.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in tobanaan qof shacab ah dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dowladda Ruushka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in tobanaan qof shacab ah dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dowladda Ruushka ay duqeeyeen guryo dad shacab ah deganyihiin.


Ugu yaraan 20 qof oo ubadan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha Ruushka iyo kuwa nidaamka ay ka geysteen deegaanno katirsan gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya.

Guddiga difaaca Madaniga Suuriya ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay ku sugnaayeen tuulooyinka Balyuun iyo Raffah oo dhammaantood katirsan gobolka Idlib.

Diyaaradaha oo tuurayay baraamiil lagasoo buuxiyay walxaha qarxa ayaa dad badan ku laayay suuqyo laga tukaamaysto iyo guryo dad shacab ah deganyihiin, tan iyo markii ay Ruushka iyo nidaamka Suuriya bilaabeen guluf dagaaleedka ka dhanka ah gobolka Idlib waxay dileen 4873 qof.


Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items