Weeraro lagu miray saldhigyo kuyaal sedax magaalo oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

Sunday December 08, 2019 - 15:41:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu miray saldhigyo kuyaal sedax magaalo oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Weeraro xooggan ayay saacadihii lasoo dhaafay lakulmeen qaar kamid ah saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro xooggan ayay saacadihii lasoo dhaafay lakulmeen qaar kamid ah saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.


Xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro ku miray saldhigyo kuyaal magaalooyinka Bariire,Baraawe iyo Awdheegle, dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Sidoo kale xoogaga Jihaadiga Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka uga sugnaayeen degmada Awdheegle ee Sh/Hoose.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada xeebta leh ee Baraawe waxay sheegayaan in dagaallo culus ay gudaha magaalada xalay ku dhaxmareen maleeshiyaadka dowladda iyo xoogaga XSHM.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay Sh/Hoose.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items