Jeneral David Mohoozi "Al-Shabaab Waxay leeyihiin Shabakado Sirdoon Oo Xoog leh" [Warbixin].

Sunday December 08, 2019 - 15:45:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneral David Mohoozi "Al-Shabaab Waxay leeyihiin Shabakado Sirdoon Oo Xoog leh" [Warbixin].

    Taliyaha ciidamada Ugandha, Jeneral David Mohoozi, oo macsalaameynayay askar ka tirsan ciidankooda oo Soomaaliya loo soo dirayo ayaa walaac ka muujiyay khibradda iyo xeeladaha milatari ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gen David oo la fadhiya madaxa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya
Taliyaha ciidamada Ugandha, Jeneral David Mohoozi, oo macsalaameynayay askar ka tirsan ciidankooda oo Soomaaliya loo soo dirayo ayaa walaac ka muujiyay khibradda iyo xeeladaha milatari ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


Wuxuu ku taliyay in ciidamadan ay noqdaan kuwa feejignaantoodu ay aad u sarreyso maxaa yeelay cadowga (Xarakada Shabaabul Mujaahidiin) waxay leeyihiin buu yiri’ shabakad sirdoon oo xoog leh islamarkaana si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyadooda oo dhan.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga digay ciidamada Ugandha inaysan taxaddarin xilliyada fasaxa. "Ha ku dhex dhicin xaalad faneed, sababta oo ah halista weerarada ayaa ah tan ugu sarreysa xilliyada ciidaha,” ayuu yiri. Isagoo intaas ku daray, "Sidaa darteed, ha la yaabina markii laydinku soo dhoweeyo dab.”.



Mar uu sidaa leeyahay wuxuu caddeynayaa in Kaniisadaha ay ku leeyihiin xeryahooda maalmaha soo socda lagu dhigayo ciida Kirismiska, isagoo askartiisana uga digaya in lasoo kadiyo iyagoo hawlahaasi ku jira.

Ciida Kirismiska waxay sameeyaan macaasi ka laba jibbaaran tii hore iyagoo ka aaminsan cibaado, wuxuuna sidaa darteed askarta kula taliyay iney ilaashadaan bad-qabkooda caafimaad maadaama cudurka Aids-ka ay qaarba qaarka kale qaadsiin karaan.

Dhiniciisa, taliyaha ciidamada dhulka, Sareeye Guud Peter Iloilo, wuxuu askarta uga digay talaabooyinka adag ee ciqaabta ah ee laga qaado askar kasta oo aan buuxin shuruucda iyo qawaaniinta ciidamada, maadaama dadka ay la tacaamulayaan ay yihiin kuwa aysan isku isir iyo isku diin ahayn.

Wuxuu sheegay in markii hore ciidamadooda loo dirayo Soomaaliya ay tababari jireen reer galbeedka hase ahaatee waayihii dambe laga goostay, taasina ay culeys ku keentay.

"99% tababarka iyo shuruudaha taageerada saadka ee tababarka ciidamadan waxaa bixisay Uganda kadib markii la-hawlgalayaasheena caalamiga ah ay yareeyeen kaalmadooda xagga tababarka oo ay u fidiyeen qaabab kale oo taageero ah,” ayuu yiri Colonel Wollimbwa.

Hogaanka AMISOM ayaa dhawaan shaaca ka qaaday ka bixitaanka 1,000 askari oo reer Burundi ah oo qeyb ka ah barnaamijka ugu horeeya ee askarta looga saarayo, si waafaqsan qaraarka Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha noqotee, Ugaandha ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya maadaama xarumaha ugu badan iyagu ay joogaan marka la eego Muqdisho iyo meelaha u dhow-dhow, sidoo kalana bil walba ay dalkooda u dhoofiyaan meydadka qaar kamid ah ciidamadooda oo ku baxay gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Uganda ayaa marar badan ku celcelisay in Qaramada Midoobay ay magdhaw ka bixiso khasaarihii aadamiga ee ka dhashay weeraradii ba’naa ee ay dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigyadooda militari ee waddankan.

Burundi ayaa Uganda u aragtay mid musuqmaasuq badan oo faquuqeysa ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya kana leexsanaysa deeqaha maaliyadeed ee ay kaniisadaha caalamku usoo diraan ciidanka Amisom.

Isha Tarjamada: Idaacadda Alfurqaan

Related Items