Dagaal lagu wiiqay ciidamada dowladda oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Sunday December 08, 2019 - 19:33:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal lagu wiiqay ciidamada dowladda oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ah maamulka isku magacaabay Hirshabeelle.

Sida wararku sheegayaan xoogaga jihaadiga Al Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay maleeshiyaad ku socdaalayay inta udhaxaysa tuulooyinka Butaale iyo Habiino oo dhammaantood hoos yimaad Maxaas.

Sida aan kasoo xiganay saraakiil katirsan Xarakada SHM weerarka dhabbagal ah ayaa isku bedelay dagaal muddo saacada ah qaatay waxaana ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.


Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al Shabaab ay dagaalka kula wareegeen gaari nuuciisu yahay BG oo ah kuwa ciidamada xambaara, dhimasahada maleeshiyaadka 'Hirshabele' ayaa gaaraysa 4 askari.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale dagaalkii galabta ku qabsaday saanado hub ah waxaana kamid ah sedax qori AK47 ah, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay degantahay.

Degmada Maxaas waxaa ku dhowaad 7 sanadood gacanta ku haya ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya halkaas oo ay ka geysanayaan gabood fallo ka dhan ah dadka shacabka ah.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka 'Hirshabele' oo ku aaddan dagaalladii galabta ka dhacay duleedka degmada Maxaas.

Ku Biir Channel-ka SomaliMeMo ee Telegramka
Halkan ka degso Setup-ka Telgram Download

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items