Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay 'Koonfur galbeed'.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa saaka waaberigii weerar dhabbagal ah u dhigay maleeshiyaad ku socdaalayay wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa mid gaadma ah uu sababay dhimashada hal askari iyadoona xoogaga Jihaadiga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari qooqan ah oo ay wateen maleeshiyaadka Koonfur galbeed iyo saanado hub ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegtay in goobtii lagu dagaallamay ay ku arkeen meydka hal askari, Idaacadda Andalus ee Afka Xarakaa ku hadasha ayaa xaqiijisay in dagaalkii duleedka Buurhakaba lagu furtay gaari qooqan ah iyo madfac RBG ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Weerar Gaari looga qabsaday ciidamada Koonfur Galbeed oo ka dhacay duleedka Buurhakaba.
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay 'Koonfur galbeed'.