Xaalad Feejignaan ah oo looga dhawaaqay caasimadda Liibiya.

Monday December 09, 2019 - 19:30:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad Feejignaan ah oo looga dhawaaqay caasimadda Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xaala deg deg ah looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Daraabulis kadib markii ay soo bexeen in duullaan kudis ah lala maaganyahay magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xaala deg deg ah looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Daraabulis kadib markii ay soo bexeen in duullaan kudis ah lala maaganyahay magaalada.


Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Alwifaaq ayaa maanta gelinkii dambe ku dhawaaqday in xaalad feejignaan ah lageliyay dhammaan xaafadaha magaalada Daraabulis iyo hareeraheeda.

Mas'uuliyiinta xukuumadda Alwifaaq waxay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in Jeneraal Khaliifa Xaftar iyo maleeshiyaadkiisa oo kaashanaya ciidamada Faransiiska ay gudaha ugalaan magaalada caasimadda ah.

Warbixinno dhanka amniga ah oo maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa ka digayay in ciidamo calooshood ushaqeystayaal reergalbeedka ay dagaal Ooge Xaftar usuurta geliyaan qabsashada magaalada Daraabulis.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items