Sawirro: Kumanaan kun oo qof ayaa Xoolo Zako ah loogu qeybiyay deegaanno hoostaga magaalada Baraawe.

Tuesday December 10, 2019 - 14:01:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Kumanaan kun oo qof ayaa Xoolo Zako ah loogu qeybiyay deegaanno hoostaga magaalada Baraawe.

    Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose ayaa deegaanno hoostaga degmada Baraawe waxay ka qeybisay Zakada xoolaha Nool, kuwaas oo ay ka faa'ideysteen boqollaal ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose ayaa deegaanno hoostaga degmada Baraawe waxay ka qeybisay Zakada xoolaha Nool, kuwaas oo ay ka faa'ideysteen boqollaal ruux.


1819 neef oo isuga jira Ari, Lo’ iyo Geel ayaa laga qeybiyay deegaanno hoos yimaada degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana loo qebiyay dad cadadoodu gaareyso 520 ruux oo metalayay qoysas ballaaran.

1500 oo neef oo Ari ah ayaa loo qeybiyay dad cadadoodu gaareyso 250 qof, kuwaas oo toban kamid ah la siiyay min 30 Neef oo ari ah.

Geela la qeybiyay wuxuu tiradiisu gaaraya 229 oo Neef, waxaana jira dad la siiyay min shan neef oo geel ah.



Lo’da la qeybiyay waxay tiradiisu gaareysaa 90 Neef, waxaana ka faa’ideystay 45 qof.

Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka qeybgalay qaar kamid ah munaasabadaha lagu qeybinayay Xoolahan, waxayna kasoo qaadeen sawirradan.

 

Related Items