Gaari dagaal oo ku rogmaday deegaanka Gelinsoor ee bartamaha Soomaaliya.

Tuesday December 10, 2019 - 11:48:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari dagaal oo ku rogmaday deegaanka Gelinsoor ee bartamaha Soomaaliya.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Gelinsoor ee duleedka degmada Cadaado ayaa sheegaya in hal askari uu dhintay 5 kalane ay dhaawacmeen kadib markii gaari nuuca dagaalka ah uu rogmaday.

Gaari Cabdi bile ah oo saaka ka amba baxay magaalada Dhuusmaareeb kunasii jeeday Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku rogmaday laamiga deegaanka Gelinsoor, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga oo xowlli ku socday uu wadada laamiga ah ka baxay.


Askarta ku dhaawacantay shilkan ayaa ladhigay Cisbitaal kuyaal Koonfurta magaalada Gaalkacyo, deegaanka Gelinsoor badanaa waxaa ka dhaca shilal baabuur iyo dilal loogeysto dadka masaafurka ah.

Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items