Maleeshiyaad Hubeysan oo Macalin dugsi Qur'aan ku dilay degmada Wanllaweyn Ee Sh/Hoose.

Tuesday December 10, 2019 - 12:42:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Hubeysan oo Macalin dugsi Qur'aan ku dilay degmada Wanllaweyn Ee Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil naxdin leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil naxdin leh oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Wanllaweyn ee gobolka Sh/Hoose.


Malleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab qabiil balse katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa degmada Wallaweyn ee gobolka Sh/hoose Hoose ku dilay macallin dugsi Qur’aan oo kamid ahaa macallimiinta degmada.

Macallin Cismaan Cirbad oo dugsi Qur’aan ku lahaa  degmada Wallaweyn ayaa malleeshiyaad ku hubeysan qoriyaasha AK47 ah  waxay u geysteen toogasho bareer ah.

Goobjoogayaal ku sugan Wallaweyn ayaa sheegay in ay u badinayaan in Macallinka loo dilay aanooyin qabiil oo inta badan ka dhaca deegaannada iyo degmooyinka ay heystaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.



Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in uu maanta xiranyahay dugsi Qur’aankii  uu baraha ka ahaa Macallim Cismaan Cirbad  waxaana sidaas ku istaagay duruustii ay qaadanayeen carruur Soomaaliyeed oo u hamuun qabay barashada Qur’aanka Kariimka.

Sanaddii lasoo dhaafay sidaan oo kale ayay maleeshiyaadka Bangaraafta ee Mareykanku tababaray waxay gudaha degmada Wanllaweyn ugu dileen mid kamida culimada ugu caansan gobolka Sh/Hoose.


Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


 

Related Items