Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax askar lagu dilay oo ka dhacay Ifka Xalane.

Tuesday December 10, 2019 - 17:02:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Qarax askar lagu dilay oo ka dhacay Ifka Xalane.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.


Jugta qarax aad u xooggan ayaa maanta laga maqlay wadada Warshadaha gaar ahaan halka loo yaqaan Ifka Xalane oo kamid ah isgoysyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa haleelay gaari booyad ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM, war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ay ku dhinteen qaraxa.

Kolonyada ciidamada ah ee qarax lala beegsaday ayaa saad ukala gudbinayay ciidamada ku sugan saldhigga Xerada Maslax ee waqooyiga magaalada Muqdisho, wararka ayaa intaas ku daraya in rasaas ay ciidamada AMISOM ku fureen wadada ay sababtay dhaawac soo gaaray illaa Afar qof oo rayid ah.


Like Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items