Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday kooxo burcad ah oo dhac ugeysanayay gaadiidka dadweynaha.
Ugu yaraan 3 kamid ah maleeshiyaad burcad ah ayaa dhimatay kadib markii ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ay weerar hubeysan ku qaadeen goob ay isbaaro utiillay maleeshiyaadkan oo ku sugnaa tuulada Xiin Libi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xisbada wilaayada Mudug ay kala eryeen maleeshiyaadkii isbaaralayda ahaa iyagoona ka furtay illaa sedax qori AK47 ah oo ay dadka ku dhacayeen.
Gobolka Mudug ayaa kamid ah meelaha ugu daran oo ay ka dhacaan falalka burcadnimo iyo dagaallada aanooyinka qabiil ku salaysan balse deegaanno iyo degmooyin gobolka katirsan oo Shareecada Islaamka lagu maamulo waxaa ka jira ammaan iyo nabad gelyo ay dadku ku diirsadeen.
Ciidamada Xisbada oo howlgal Burcad sifayn ah ka sameeyay deegaan katirsan gobolka Mudug.
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday kooxo burcad ah oo dhac ugeysanayay gaadiidka dadweynaha.