Weerarkii Hotel SYL oo sii xoogeystay.

Tuesday December 10, 2019 - 20:41:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarkii Hotel SYL oo sii xoogeystay.

    Jabaqda rasaasta iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hoteelka SYL oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabaqda rasaasta iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hoteelka SYL oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.


Dagaal culus ayaa dhismayaasha Hoteelka ku dhaxmaraya dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarka qaaday iyo maleeshiyaad daacad u ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xilligii uu weerarku bilaabanayay ay gudaha Hoteelka SYL ku sugnaayeen Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan aadka u xooganaa oo imaanaya maalmo kadib markii guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in ay ku guulaysteen ka hortagidda weerarada Al Shabaab.



Related Items