Boqolaal Dibad baxayaal ah oo lagu dhaawacay magaalada Baqdaad.

Wednesday December 11, 2019 - 07:22:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Dibad baxayaal ah oo lagu dhaawacay magaalada Baqdaad.

    Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rasaas iyo Gaaska dadka ka ilimaysiiya oo lagu weeraray dad dibad baxyo ka dhigayay bartamaha magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rasaas iyo Gaaska dadka ka ilimaysiiya oo lagu weeraray dad dibad baxyo ka dhigayay bartamaha magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.


Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamo Boolis ah iyo maleeshiyaad daacad u ah hoggaamiyaasha siyaasadda Shiicada ay weerareen dadka kacdoonka ka wada fagaarayaasha waaweyn.

Wariyaal ayaa soo sheegay in xalay saqdii dhexe la damiyay Korontada magaalada Baqdaad kadibna weeraro xooggan lagu qaaday shacabka ku dibad baxaya fagaarayaasha Alwathbah iyo Al Taxriir.

Boqolaal qof ayaa la sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii lagu weeraray Gaas iyo rasaas, dadka dhaawacmay qaarkood xaaladooda ayaa aad uliidata.


Saraakiisha Booliska xukuumadda Baqdaad ayaa beeniyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii xalay dhacay, guddiyada kacdoonka Ciraaq waxay sheegeen in dhibaatadii xalay ay noqon doonto mid sii hurisa kacdoonka illaa laga xaqiijinayo hadafka oo ah in larido nidaamka musuq maasuqa ku caanbaxay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items