6 qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada New Jersey.

Wednesday December 11, 2019 - 07:32:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada New Jersey.

    Ku dhowaad 10 American ah oo uu kamid yahay sarkaal Boolis ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ruux hubeysan uu toogasho gaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad 10 American ah oo uu kamid yahay sarkaal Boolis ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ruux hubeysan uu toogasho gaystay.


Wararka laga helayo Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay dhinteen sedax kalane ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii nin hubeysan uu weeraray fagaaraha weyn ee magaalada New Jersey City.

Dadka dhintay waxaa kamid ah sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska Mareykanka,sedax qof shacab ah iyo ruuxii toogashada geystay oo markii dambe ladilay.

Wargeyska New York Times ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyay Video muujinayay toogasho ka socota fagaaraha dagaalka ee bartamaha magaalada New Jersey City.


Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuuna ku tilmaamay mid musiibo ah, "si xeel dheer ayaan ula soconaa dhacdadan mas'uuliyiintuna kaalmo ayay ufidin doonaan dadka waxyeelloobay" sidaas waxaa yiri Trump.

Bil walba tobanaan qof ayaa gudaha Mareykanka lagu dilaa waxaana falalka nuucaan ah geysanaya gaangiistarro Nasaaro ah oo naftooda ku khamaaray adduun iyo Aakhiro.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items