Akhriso: Magacyada Xubnihii lagu dilay Ama lagu dhaawacay Weerarkii Hotel SYL [Xog Rasmi ah]

Wednesday December 11, 2019 - 11:34:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Magacyada Xubnihii lagu dilay Ama lagu dhaawacay Weerarkii Hotel SYL [Xog Rasmi ah]

    Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maqribnimadii xalay weerar xooggan ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo hooy u ah wasiirada, xildhibaanada iyo madaxda DFS islamarkaana kasoo horjeeda xarunta madaxtooy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maqribnimadii xalay weerar xooggan ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo hooy u ah wasiirada, xildhibaanada iyo madaxda DFS islamarkaana kasoo horjeeda xarunta madaxtooyada ee uu dagan yahay madaxweyne Farmaajo.


Dagaalyahannada ayaa toogasho ba’an u geystay xubnihii ku sugnaa Hotelka waxaana dadka la dilay ka mid ah mas’uuliyiin, shaqaale iyo askari ka tirsan maleeshiyaatka DFS balse hay’adaha amniga ee dowlada ayaa isku dayaya inay duugaan khasaaraha ba’an ee ka dhashay weerarka, waxayna sheegeen in halkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux oo kaliya.

Shabakada SomaliMeMo ayaa heshay xog tibaaxaysa in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 39 kale. Waxaan sidoo kale helnay magacyada qaar kamid ah mas’uuliyiinta ama shaqaalaha dowladda ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkaasi, waxayna kala yihiin:


Dhimasho: 25

C/Qadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore kamid ah maxkamadda racfaanka

Maxmuud Ismaaciil Muuf oo ahaa taliyaha ciidamada madaxtooyada

Cali Daahir Salaad oo ahaa Sarkaal ka tirsan wazaarada Dasuutrka

Fu'aad Ugaas Yacquub oo ahaa Sarkaal ka tirsan Bankiga Dhexe

Nin magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ahaa agaasimaha waaxda dhaqan celinta Wasaaradda Amniga

C/Qani Cumar Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaarada Dekadaha

Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal katirsan Police-ka loo yaqaano HaramCad

Ilyaas Carab oo ahaa Sarkaal ka tirsan waxa loogu yeero hay’adda Nabadsugidda

Booc booc oo Ka mid ahaa ilaaliyada Madaxtooyada

Dhaawaca: 39

Maxmuud Cali Magan oo ah Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federalka

Xasan Isaaq Yacquub (Gees Cade) oo ahaa xildhibaan hore iyo Waziir hore oo katirsanaa maamulka JUBBALAND
C/Qaadir Cali Cumar oo ahaa Waaziir Arimaha Gudaha ee Hore

C/Xamiid C/Kariim oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere

Aadan Dhagool oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

Cali Maxamed Cali oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

Xusseen Xiirey oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

Waxa suuragal ah inay soo baxaan magacyo horleh oo ka mid ah saraakiisha iyo xubnaha lagu dilay weerarka, waxaana ku dadaali doonaa inaan soo gudbino xogta khasaaraha ee ay xukuumadu dooneyso inay duugto..

lasoco SomaliMeMo si aad u hesho Wararkii ugu dambeeyay ee dunida iyo dalka hooyo




Related Items